Xidigaha Geeska Mise Xidigaha Muqdisho kuwee dhawaq dheer dhagahana ubadan?

Filed under: BULSHADA,FANAKA |
Number of View: 8537

Waa hubaal in uusan dhagahaaga ku cusubeeyn Magaca Xidigaha Geeska balse ma iswaydiisay xageed ka maqashay markii ugu horeeysay? Idaacadda ? maya TV-ga Maya Internet-ka SUURA GAL.

Xidigaha-geeska-Xidigaha-Muqdisho

Waa dhalinyaro isugu jira Fanaaniin, Abwaaniin, iyo muusigiistayaal ku nool Magaalada Hargeysa kuwaasi oo shaqo kadhigtay in aysoosaaraan heeso la jaan qaadikara xilliga hadda lajoogo.

Waxaay muddo aad u kooban ku kasbadeen taageero aad u sareeysa oo inteeda badan ka imaaneysay dadka ku nool dibadda.

Labo arimood ayaa sababay in Kooxdaani hesho magic iyo in ay sii jiraan oo aysan kaladaadan ama isku dhicin.

  • Taageero aan kala joogsi lahayn oo ay kahelaan dadka ay ku jirto qadiyada Soomaaliland oo u arka kooxdani inay ay tahay Kooxdooda sidaa daraadeedna ay lagarb joogaan taageero dhaqaale si howsha kooxdu ay usiisocoto.
  • Iyagoo aad u isticmaala aaladda internet-ka oo ah awooda kali ah ee maanta lagu kasbankaro dhalinyarada dal iyo dibad.

Marka loo eego Abwaaniinta iyo muusigiistayaasha ay heestaan marnaba uma bar bardhigmikaraan kuwa jooga muqdisho oo xiilibadan ku jiray fanka Soomaaliyeed balse iswaydii oo maxaa loowaayay Koox lamid ah oo ka soobaxda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda?

Lagayaabee inaad la sooboodo colaado ayaa jira, nabad maahan, alshabaab ayeey ka baqayaan iyo fikrado kale ..haddii aan kuu raaco fikradahaasi oo xagee ka soobaxeen qolada labaxday Xidigaha Muqdisho?

Muqdisho ayeey ka soobexeen sax waa run balse ma iswaydiisay maxaay tahay sababta loo aas aasay kooxdaan?

Waa in ay latartamaan Kooxda Xidigaha Geeska mana ahan fikir xun in lahelo kooxo suuqa iskuciriirinaya waayo waxsoosaarkooda ayaa badanaya waxaadse moogtahay in kooxdaani Xidigaha Muqdisho aysan sii sosonkarin Laba arimood dartood

  • Dhaqaale ahaan siima soconkaraan waayo dadka Soomaaliyeed loogama baran in fanka ay taageeraan xitaa hadii ay heesohooda jecelyihiin waana midda kali ah ee ay kukaladuwanyihiin dadka Soomaaliland iyo Dadka Soomaaliyeed.
  • Iskuxirnaan la’aan fanaaniinta da’da yare e muqdisho iyo iyagoon aaminsaneyn in codkooda ay shaqo kadhigankaraan.

U fiirso qofkasta oo facebook-ga isticmaala waxaa ugu qoran in uu Muqdisho ku dhashay haddna waligiis in ay dhisanto ama dhalin u soobaxdo mataageerin balse taas caksigeeda qofkasta oo ay usaarantahay in uu Hargeusa ku dhashay waa ay kamuuqataa kaalinta uu ka geeysanayo dib udhiskeeda noockastaaba ha noqotee.. balse adigu iswaydii sababta?

“Waa mushaakil gooniya waxa maanta igu dhacay murugadaan ibaday” miyeeysan taasi heeysan fankii Muqdisho?

Xidigaha Geeska iyo Xidigaha Muqdisho waa laba koox oo aan xilligaan isku magic ahayn balse ugu yaraan suuqa iskuciriirin kara haddii kooxda kale hesho taageero lamid ah midda ay xidigaha geesku heystaan.

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>