Weriye si cajiib ah Faallo uga qoray Magaca iyo Macnaha MOOSHIN.. Mooshinkaan Mafahmine Mafoorjaa?

Filed under: AQOONTA,BULSHADA |
Number of View: 5669

MOOSHINBaarlamaanka ayaa Masuul hebel Mooshin ka keenay,waxaa socda mooshin xilka looga qaadayo ra´isul wasaare, buuqa mooshin ay qaar ka mid ah golaheena shacbiga keeneen ayaa hakiyay howlaha baarlamaanka, waxaa jirta nuxnux hoose oo lagu diyaarinaayo mooshin ka dhan ah wasaarad hebel, masuul hebel iyo hebel waxa ay heshiis la yihiin madaxwaynaha waxaana mooshin ka keenay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka, iyo mooshin baa maalin walbaa yaala aqalka Baarlamaankeena ayaa ah nolol maalmeed caadi ka ah howsha golaheena baarlamaanka inkastoo ciil iyo calool xumo ku tahay marwalbaa oo ay dhagaha shacabkeena ku dhacaan ereyga mooshin.

Marka aad hadaba maqasho Ereyga Mooshin waxaa durbadiiba maankaaga kusoo dhacaya maskaxdaaduna sawiraysa khilaaf siyaasadeed oo aan macno iyo miisaan buuxa lahayn islamarkaana inuu cuuryaamiyo maahane aan curinayn maslaxada dawladnimadeena.

Mooshin, Mooshin iyo Mooshin ayaa ah shaqada ugu badan ee ay qabteen xubnaha baarlamaankeena tan iyo intii ay dawladu dhisantay taasi oo in badan oo bulshadeena ka mid ahi ku micneeyeen isbaarada hor-gudban meel marinta habdhaqan siyaasadeed waara oo uu yeesho dalkeena.

In badan oo Bulshadeena ka mid ah ayaa si wayn u dhaliilay in khilaaf siyaasadeedka siyaasiyiinta dalka ay xujo fur u noqoto Mooshinada macno la´aanta ah.

Haa waa sax xubin walbaa oo ka mid ah golaha Baarlamaanka waxa uu leeyahay xoriyad ku aadan mowqifkiisa waxa uuna xaq u leeyahay inuu ku cabiro qaab cadaalad ah.

Sidoo kale qayb walbaa ama koox walbaa oo isku mowqif ah kuna midoobay aragtidooda waxa ay xaq u leeyihiin soo bandhigida iyo cabbirada fikirkooda.

Isla sidaasi oo kale ayuu shaqsi walbaa ama koox walbaa oo Baarlamaanka ku jirtaa xaq ugu leeyahay/leedahay diidmada fikirkaas islamarkaana qaab kale wax u cabiro/cabirto.

Laakiin dhamaan qaybahaasi halka dariiq ee u furan ma ahan in Mooshin iyo dood aan talo iyo tusaale badan marin keenaan Aqalka baarlamaanka oo haatan looga fadhiyo taaba galinta howlo aad u badan.

Qaybo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay diyaariyen Mooshin ka dhan ah Madaxwaynaha Dalka oo ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan iyo in uusan ka rumayn hamigii la wada sugaayay ee hiigsiga 2016 islamarkaana loo baahanyahay haatan in la badalo.

Durbadiiba waxaan is waydiiyay Xubnaha Golaha Baarlamaanka miyaysan u dhisneyn iyagu la shaqaynta xafiis walbaa oo Dawlada ah ?

Baarlamaanku miyuusan ku jirin hay’adaha dawlada ee laga sugaayay wax qabadka ?

Baarlamaanku miyuusan ka mid ahayn hay’adaha Dawlada ee ku fashilmay hiigsiga 2016?

Baarlamaanku howshiisu ma mooshin keen, mooshin diid/yeel iyo dhaliil socotabaa?

Intaas oo su’aalood waxaan u bandhigay ilaa iyo 2000 oo qof oo isugu jirta Suxufiyiin,Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Dhalinyaro,Maamooyin, iyo Ururada Bulshada rayidka qaar oo kala jooga dalka iyo dibadana islamarkaana aan saaxiib ku nahay Baraha Bulshada.

Inkastoo dhamaan jawaabihii aan helay ay u badnaayeen dhaliil iyo naceyb mooshin ayuu hadana qof walbaa qeexayay in hadii muranku afka yahay xadaarada lasii fahmayo.

Dhamaan dadkii su’aalahaas ka jawaabay ayaa tusaaleeyay in xubnaha baarlamaanku ka mid yihiin hay’adaha dawlada ee kaseexday kuna fashilmay hiigsiga 2016 waxayna ugu baaqeen in iyagu nafsad ahaantooda looga baqaayo waqti kororsi.

Lakiin dhamaan qaybihii ka jawaabay su’aalahaan ayaa isku raacay in baarlamaanka maanta jira wax badan dhaamo kuwii hore islamarkaana ay jiraan waxqabad aan buurnayn oo ay smaeeyeen.

Mooshinka ayaa noqday mid qof walbaa iska diido jawaabihiisa waxayna kusoo koobeen in uu yahay furaha fashilka hamigii hiigsiga 2016.

Intaas ka dib ayaa waxaan ku celiyay su’aal kale oo ahayd:hadii mooshinka socdaa madaxwaynaha lagu rido iminka oo waqtigiiba dhamaaday maxaa maslaxo ah?

Inkastoo yara lagu kala aragti duwanaa ayaa hadana jawaabaha halka qayb ee ay isaga mid ahaayeen waxa ay ahayd in uusan jirin waxa maslaxo dawladeed oo mooshinkaasi keenayo islamarkaana hadii uu fashilmo iyo hadii uu guulaystaba uu micno shaqsiyadeed u samaynayo labada koox ee baarlamaanka ee mooshinka labada daan ka haya.

Hadaba iswaydii aqriste, maanta ma tahay xilli Baarlamaanka la hor keeno mooshin masuul ka dhan ah xilli hamigii shacabka la gaari waayay islamarkaana lawada sugaayay qorshaha hiigsiga cusub?

Ma tahay xili la laalo dajinta qorshayaasha hiigsiga cusub islamarkaana mooshin loo kala dareero?

Miyaysan haboonaan lahayn in lagu mashquulo fikradaha ku aadan qorshaynta iyo diyaarinta howlaha hiigsiga cusub halkii mooshin la isku xag-xagan lahaa?

Xubnaha mooshinka wada miyaysan ka mid ahayn hay’adaha dawlada ee ku fashilmay gaarsiinta Hiigsigii 2016?

Anigu koley Mooshinkaan ma fahmine ma foorjaa??!!!!!!

Mohammud Hassan Idaajaa

Idaajaa2@gmail.com

Stockholm-Sweden

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>