Weriye C/xakiin Cumar Jimcaale oo Mareeykanka Ku xanuunsan..

Filed under: BULSHADA,SAXAAFADA |
Number of View: 2701

DucoWeriye Cabdi Xakiin Cumar Jimcaale oo ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed muddana haatan ku nool Dalka Mareykanka ayaa ku jira xaalad adag oo la xiriirta caafimaadkiisa wuxuuna hadda ku jiraa koomo sida ay ku soo waramayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Weriye C/xakiin oo maalmihii danbe xanuunsanaa ayaa todobaadkaan la dhigay cusbitaalka kadib markii xanuunkiisu soo darsaday. Weriyaha ayaa lagu xasuustaa in sanadkii 2007 ay koox hubeysani kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho kolkaasi oo ay dhimasho kaga tageen balse uu ka badbaaday waxaana dhaawicii xilligaasi soo gaaray uu weriyuhu kuwaayay mid kamid ah gacamihiisa.

Weriye Cabdixakiin wuxuu muddooyinkii ugu danbeeyay la shaqeynayay Idaacadda ay leeyihiin Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka oo layiraah KAYLY RADIO.

Fadlan Walaalayaan aan u duceeyno in ilaaheey caafiyo Suxufiga.

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>