Wariyeyaasha qurbo joogta Soomaalida oo Stockholm kulan ku yeeshay SAWIRO

Filed under: AQOONTA,SAXAAFADA |
Number of View: 10349

Kulan ay soo qaban qaabisay Ururka Somali Swedish Media Center ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm waxaana kasoo qeyb galay wariyeyaal kakala yimi aduunyada dacaladeeda.

Gudoomiyaha Ururka Somali Swedish Bashiir Ugaas oo shirka furay ayaa ka hadlay mowduuca shirka loo diyaariyey oo ahaa sidii loo taakuleyn lahaa wariyeyaasha ku nool dalka Somalia sidii looga caawin lahaa dhanka tacliinta isla markaana loo hormarin lahaa.

Waxaa hadalkii qaatay ruug cadaaga Abdulqaadir Walaayo waxaana uu ka hadlay doorka warbaahinta ku leedahay isbadelka mujtamaca isagoo sharaxaad ka bixiyey warbaahinta ineey tahay aalad isbedel loo adeegsan karo, qudbadiisa oo aad u dheerayd ayaanu ka xusi karnaa in ulajeedkiisa ay tahay in horumar lagu sameeyo wariyeyasaha gudaha Somalia ku nool.

Abuukar Al-badri oo dhawaan ka yimi dalka Somalia ayaa warbixin dheer uu ka siday qaabka ay ku nool yihiin wariyeyaasha Somalia ka hawlgala ayaa tibaaxay in dhibaatada ay aad u badan tahay ayna jirto in wariyeyaal badan ay maalin waliba ku dhintaan kuna dhaawacmaan islamarkaana taageero weyn ay u baahan yihiin.

Al-badri ayaa tibaaxay in dhowr jeer ay gudaha kasameeyeen taakuleyn tii ugu danbeysay ay ahayd iyadoo la aruuriyey 2700 laba kun iyo todoba boqol oo doolar oo 2300 ka mid ah sedex wariye oo dhibaato xoogani ay soo gaartay lagu dabiibay halka Baydhabo laba wariye oo qarax dhacay dhaawacyo culus ay kaso gaartay isla markaana ku waayey xubnahooda jirka ay u aruuriyeen 1700 kun iyo todoba boqol oo doolar. Wuxuuna Albadri kusoo afmeeray waribixintiisa in wariyeyaasha ku nool dibadaha ay ku deydaan kuwa gudaha lacagahaasi isaga uruurinaya.

Shukri Sheekh Cali oo ka socotay dalka Sweden mudo badana kasoo shaqeysay Radio Shabelle oo iyadana ka hadashay shirkan ayaa muhiimda hadalkeeda ku salaysnaa sidii loo samayn lahaa sanduuq dhaqaale oo lacago loogu rido wariyeyasha dhibaatada kasoo gaarta dagaalada Somalia.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA.. XUQUUQDA SAWIRADA WAXAA LEH WARIYAHA.COM

Abdiweli Hashi oo ka mid ah wariye ka hawl gala TV-ga Finland oo shirka ka qeyb galay Somalia-na dhawaan ka yimi ayaa warbixin dheer uu shirka ka hor aqriyey ku farxad galiyey kasoo qeybgalayaasha shirka wuxuuna tibaaxay in bishan tan xigta ee September magaalada Muqdisho laga furi doono Studio caalami ah oo sida kuwa caalamka ugu hawl gali doona TV-ga dowlada lana geeyey qalab casri ah.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wariyeyaasha Maxamed Xaaji Xasan, Farxiyo Cali Qaajo, Abdulaahi Jaamac iyo Maxamed Siciid Al-Saxaaf oo dhamaantood soo dhaweeyey sidii sanduuq dhaqaale loo samayn lahaa.

Wariye Farxiyo Cali Qaajo ayaa tix gabay ah oo ay halkaasi ka jeedisay waxay ku tiri: –

Qalinleydii qarankaas qaar waa laqalaoo qabri bay u hoydeen.
Qaar waa la qariyoo qolal bay ka buuxsheen.
Qaar aan ka mid ahay aniga iyo qoysaskay qasab bay qaxsheenoo qaaradaha aduunkaa qax ku joogaan lagu yiri
Qoraaayada aduunkoow qaramada midoobaay
Qiiqaa horuu jiray qaxitaanka lagu daray
Qalashadu halkee tahay, hadii aan qodob lagu hor joogsado
qashayaasha, qowlaysataha iyo qaxsayaashaba aan loo helin
Qaxu wuu jiraayaa qalashaduna way socon waligeed qiyaamaha, qalinkaana wuu lumi.

XIGASHO : SOOMAALIDAMAANTA.COM

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.