Viber oo Cusbooneysiiyay Adeegiisa.. Maxaa lagusoodaray sideese u cusbooneysiisankartaa?

Filed under: AQOONTA,BULSHADA,TUSMO |
Number of View: 5725

viber-1Sanadihii ugu danbeeyay Shirkadda Viber-ku waxaay kamid ahayd aaladaha ay sida joogtada ah u isticaalaan Soomaalidu iyagoo kaga faa’iideysta in ay si maqal iyo muuqaal ah kula xiriiraan eheladooda iyo asxaabtooda isticmaasha Shirkadaan.

Shirkaddaan oo horay ugu koobneyd qoraal iyo cod aan sidaa fasiix u ahayn ayaa iminka kudhawaaqday in ay soosaartay Nooca 5.5 oo ah app ka ugu danbeeya kaasi oo waxbadan kaduwan kii ay horay u isticmaali jireen dadweynaha caalamku.

Madaxa ugu sareeya qeeybta wax soosaarka shirka Ofir Eyal ayaa sheegay in qeeybtaan cusub ay wax badan ka duwantahay qeeybihii hore oo dadbadani ay ka cawdeen muuqaalka iyo maqalka oo aan sidaa fasiix u ahayn marka ay timaado dadka heysta internet aad u hooseeya balse iminka ay wax badan isbedeleen.

Waxyaabaha ku cusub qeeybtaan ayaa waxaa ka mid ah in si sahlan aad u isticmaali karto qeeybaha maqalka iyo muuqaalka iyo inaad qeeybta wada sheekeysiga aad dhexdhigi karto qoraal aad ka soo koobiyeeysay website-yada taasoo qofka aad u dirtay uu si toos ah u aqrisankaro.

Waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay inaad macluumaad lawadaagikarto saaxiibadaada si lamid ah sida ay sameeyaan aaladaha kale ee xiriirka dadwaynaha.

Haddaba si aad u cusbooneysiisato samee sidaan.

  1. Tag Apple Store hadii aad iPhone isticmaasho kadibna ku qor VIBER
  2. Markuu kuusoobaxo haddii uu horay ugu jiray mobilekaaga wuxuu ku soo qoridoonaa UPDATE kadibna dhagsii halkaasi ay ku qorantahay UPDATE .
  3. Sug ilaa uu howshiisa kadhameeyo kadibna OPEN dhagsii waadna cusbooneysiisatay.

Hadii aad isticmaasho Android ama Galaxy Tag Play Store-ka kadibna samee sida kor kuxusan.

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.