Siminaar lagu baranayay Saxaafadda oo ay ka qeyb Galeen in ka badan 15-Arday ayaa ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimada Dalka Sudan.

Filed under: AQOONTA,BARO SAXAAFADA,SAXAAFADA |
Number of View: 1501

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay Jamciyadda la yiraahdo Al-Huda ee ka shaqeysa Tababarka iyo wacyi Galinta ayaa waxaa bare Ka ahaa Ustaad Abdikamil Yusuf Mohamud oo ka mid ah Saxafiyiintii Mudada dheer ka shaqeynayay Gudaha dalka iyo dibadiisa.

waxa uu ahaa cinwaanka Siminaarka الصحفي المحترف  waxaana si guud uu uga hadlay Abdikamil dhamaan qeybaha saxaafadda iyo saxafiga.

Gudoomiyaha Jamciyada Al-huda Mohamed Abdulkadir Mohamed ayaa goobta ka jeediyay kalimad dhiira Galin ah asigoo Amaan Balaaran u jeediyay Wariye Abdikamil oo uu sheegay in uu yahay Aqoonyahan xilkas ah oo u adeega Bulshada Qeybaheeda kala duwan

inkastoo waqtiga siminaarka uu Ahaa mid yar hadane sadexdii maalin ee uu socday waxa ay ka marqaati kaceen Ka qeyb galayaashii siminaarka in Macluumaad Farabadan ay ka faaideen

Ugu danbeyn Tababare Abdikamil Yusuf Mohamud ayaa mahad celin balaaran u jeediyay qaar ka mid ah saxafiyiinta somaliyed ee gudaha dalka iyo dibadda kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin halyeeyo loo baahan yahay waxtarkooda oo aan ka seexanin marnaba Mujtamaca Somaliyed

Waa markii labaad ee siminaar noocaan oo kale ah uu jeediyo wariye Abdikamil intii uu ku sugnaa dalka sudan waxaana Xusid mudan in wariyuhu markiisii hore uu ahaa Macalin saxaafadeed intii uu dalka ku sugnaa.

SAWIRADA

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>