Shirka NUSOJ ee Muqdisho ka soconaya hala Turxaanbiyo, Maxamed New York

Filed under: BULSHADA,SAXAAFADA |
Number of View: 4137

NUSOJMagaalada Muqdisho waxaa ka socda shir la sheegay in lagu dhisayo Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ. Guddi la soo magacaabay oo horey dhaliilo loogu jeediyay ayaa wada howlaha shirkaasi.

Guddiga ayaa waxaa lagu dhaliilay in ay qeyb ka yihiin milkiilayaal iyo masuuliyiin idaacadeed oo looga baqayo gacan bidxeyn Waxaa xusid mudan in guddiga shirka NUSUJ ay ku jiraan wariyayaal miisaan mug weyn ku leh saxaafadda Soomaaliyeed.

Dhaliilaha kale ee uu shirka leeyahay ayaa waxaa ka mid ah in wakiiladii wariyayaasha Soomaliyeed ee gobolada dalka qaarkood iyo kuwii qurbaha ay shirka qaarna si cad uga soo horjeesteen, qaarna dhaliilayaan.

Inkastoo wariyaasha Puntland qaarkood ay si cago-jiid ah ku tageen shirka, hadana waxaa maqan wariyayaal kale oo Puntland ka soo jeeda iyo kuwo jubbooyinka ah iyo gobolada kale ee dalka oo sheegay in ay shirka dhaliilo u hayaan.

Wariyayaasha Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ayaa si cad uga hadlay halka ay shirka Nusoj ee Muqdisho ka socdaa ka joogaan.

Kuwa jooga Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, inta ogaalkeyga ah, kaalintooda wax lagama weydiin.

Wanaaga shirka ka muuqdaa ayaa waxaa ah in musharixiinta hogaanka ururka NUSOJ ay ka dhex muuqdaan wariyayaal rug-cadaaya oo mudan hogaanka ururka, oo haddii ay ku guulaystaan aan is leeyahay wax weyn bay u qaban karaan wariyayaasha Soomaaliyeed.

Shirka Nusoj ee Muqdisho ka soconayaa ayaa yimi ka gadaal markii lagu murmay hogaanka Nusoj. Dowladda ayaa soo faragelsay, ilaa heer maxkamad ayay tagtay oo go’aan laga gaaray ururka.

Si loo saxo qaladaad la sheegay baa howshaan loo galay, hase ahaatee waxay u muuqataa in qalad qalad lagu saxayo.  Si hadaba loo helo urur nadiif ah oo matali kara dhamaan wariyayaasha Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba jooga waa in wax laga bedelaa hanaanka shirka NUSUJ ku soconayo. Wariyayaasha cabanayana laga qanciyaa waxa ay ka cabanayaan.

Intaa waxaa dheer, wariyayaasha ehelka u ah warbaahinta Soomaaliyeed_ha joogeen dalka ama dibadiisa_ laga talo geliyaa sidii lagu heli lahaa urur matali kara wariyayaasha Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, wariyayaasha Soomaaliyeed ayaguna waxaa la gudboon in ay ka hadlaan sidii loo sixi lahaa dhaliilaha laga sheeganayo shirka NUSOJ.

W/Q:Maxamed O. New York

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>