SAAXIIBKA XUN!!!!

Filed under: TUSMO |
Number of View: 10193

kk

 

Inan la yiraahdo Ahmed ayaa saaxiibkiis Ali u sheegay inuu bartay xaaska      Imaamka Masaajid u dhowaa. waxay ahaayeen saaxiibo aan ALLE ka cabsan oo  xumaan ku saaxiba. Wuxuu ku yiri Ahmed sxbkiisa Ali ” sxb qoftaas ayaan  gurigeeda ugu tagaa, balse mar kasta waxaan ka cabsadaa in ninkeeda oo ah  Imamka masjidka uu igu qabto inoo gurigiisa ku jira oo qoftiisa la fara ciyaaraya.  marka maxay kula tahay sxb markii uu salaada dadka tujiyo hadaad u  sheekeysid intaan danteyda ka dhameysanayo, haduu soo baxana isoo wacdid, si  aan meesha uga fakado intuusan igu imaan”.

” ok sxb” ayuu yiri Ali kadibna masaajidka ayuu hore ka aaday. kadib Imamkii salaadii markuu dadkii tujiyey ayuu sheeko u qabtay. maalin kasta dii

nta ayuu wax ka weydiin jiray, isagoo iska dhigaya nin raba inuu wax faa’iideysto. Imaamku markuu baxayana sxbkiis ayuu wacaa oo uu ku yiraah waa soo baxay. kadibna wuu uga sheekeyn jiray wuxuu soo sameeyo maalin kasta.
Waxay sheekadu sidaa ku socotaba Ali wuxuu sxb la noqday oo sheekadii isugu baxday Imamkii, wuxuuna bilaabay inuu fekero oo uu denbi dareemo.
Maalintii danbe wuxuu go’aansaday markuu mudo is celcelinayey inuu u sheego Imaamka waxa jira iyo inuusan masaajidka ALLE ka cabsi usoo aadin iyo weliba inuu ujeedadiisu aheyd inuu u sheekeeyo inta sxbkiis ku maqan yahay Imaamka Marwadiisa.
Imaamii wuxuu ku jawaabay, Caliyoo nin yohow xaas ma lihi”. halkeebay idinla tahay inuu Ahmed aadi jiray? wuxuu aadi jiray xaaska sxbkiis Ali.

CADOWGAAGA HAL MAR ISKA JIR, SXBKAAGA XUNA KUN MAR ISKA JIR.

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>