QODOBO MUHIIM U AH WARIYAHA WAR SOOTEBINAYA.

Filed under: BARO SAXAAFADA,SAXAAFADA |
Number of View: 7729

Wariyaha waa warfidiye umadda u dhaxeeya, waxaana ay ka sugaysaa warar tifatiran, dheelitiran oo aan naceyb iyo nin jeclaysi ka muuqan.

wariyaha warka u dirayo waa in uu ahaadaa mid laga turxaan bixiyay sharafdhaca qof ama koox,laga hufay fekerka gaarka ah ee uu qabo ama aaminsanyahay_ wariyuhu fekerkiisa meel kale uu ku soo bandhigo ayay saxaafaddu siisa. ee ma ahan warka dhexdiisa.

wariyuhu waa in uu maanka ku hayaa in uu yahay qof ka tajumaya dadka aan codka haysan in uu codsiiyo. fekerada dakuna kala duwan yihiin, ma ahan in aan soo tebiso warka aad adigu jeceshahay ama aad la dhacsan tahay_ wariyuhu koox gaara kama tirsana.

ustaadkawariyuhu waa kan warkiisa ka eega in dhinacyada is hayaa heleen fursado isku mid ah, wariyuhu uma banaana in marka meel fekero laysku dhaafsaday uu ka xusho feker gaara, isla markaana caburiyo fekerada kale.

Waxaa kale oo wariyaha ay tahay in uu hubiyo isticmaalka weedhaha kala duwan, weedhuhu waa in aanay noqon kuwo amaan saaid ah ka muuqda ama kuwo eedeyn ay ka muuqato_eedeymaha laba dhinac isku jeedinayaan waa uu soo bandhigi karaa isaga oo ilaalinaya isku dheelititnaanta warka.

Wariyuhu waa in uu sidoo kale hubiyaa dhameystirnaanta warka, saxnimada magac qofka iyo jagada uu hayo, sidoo kale baratakoolka kala horeynta warka dadka hadlay iyo cododka uu qaadan karo iyo in uu is weydiiyo nooca war ee uu u baahan yahay in uu adeegsado isaga oo eegaya warka uu tebinayo waxa uu ku saabsanyahay.

Waxaa kale oo ayadana xusid mudan in wariyaha warka uma gaarsiinaya in uu ilaaliyo naxwaha afka uu wax ku qorayo iyo calaamadaha_ waa hadduu qoraalkaasi loogu talogalay mareeg ama wargeyska.

Si akstaba ha ahaatee, ilaalinta qodobadaas iyo kuwo kale waa u muhiim saxafiga xirfadda leh ee doonaaya in uu umadda uu u adeegayo ku qancaan wararkiisa.

Qore: Maxamed Cusmaan New York

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>