Qaar katirsan Suxufiyiinta Holland oo Kadhexmuuqda Khilaafka Farxiya Kabayare iyo Fartuun Cumar

Filed under: BULSHADA,FANAKA,SAXAAFADA |
Number of View: 13257

kabayare-fartuuncumarLabada fanaan ee Farxiya Kabayare iyo Fartuun Cumar ayaa indhawaalaba waxaa ka dhexeeyay isriix riix dhanka fanka ah oo midwalbaaba iskudayeeysay in tankale ay caro uga shubto Bandhigfaneedyada ay qabtaan.

Labadda Fannaan oo kuwada nool dalka Mareykanka ayaa qilaafkoodu waxaa uu ka dhexmuuqdaa aaladaha dadku kusheekeystaan waxaana hadda khilaafkoodu u muuqdaa midsalka kuhaya caansanaan.

Fannaaniintaan ayaa dadka kudhaw dhaw waxay sheegaan in midkastaaba ay ku faanto in tankale ay ka codmacaantahay fankana kaga shacbiyad badantahay.

Dhinacyada u abaabula bandhigfaneedyada ay kudhigaan waddamada ay soomaalidu kubadantahay ayaa lagadareemayaa in qaab cadiifadeed ay wax ugu abaabulaan sida ay noosheegeen dadgoobjoog ka ahaa Bandhigyadii ugudanbeeyay ee ay qabteen.

Dalka Holland oo ay labada fannaan shoowyo qeyb ka ah xurguftooda ay kuqabanayaan sanadka cusub ayaa hadda waxaa kadhexmuuqda qaarkamid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed eek u nool dalka Holland.

Suxufiyiinta kudhexjira Arintaan ayaa xayasiino usameynaya labada fannaan waxaana taas lagadareemayaa baraha ay Facebook-ga kuleeyihiin Suxufiyiintaasi.

Sababta keentay in Suxufiyiintaani lakala saftaan Fannaaniintaan ayaa lagu macneeynayaa  insuxufiyiinta qudhoodu  aysan isku wanaagsaneyn oo midba kankale hoos u eego.

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.