Ma dooneysaa inaad barato Sawir qaadista (photography) ama muuqaal duubista (Videography) iyo Naqshadeeynta Sawiradara iyo Qoraalada(Graphic design)

Filed under: BARO SAXAAFADA,SAXAAFADA |
Number of View: 6089

siidiinewsMagaceygu waa Maxamed Cabdullahi Adan waxaan muddo dhowrsano ah qaab onile ah ugu faa’ideeynayay kumanaan dhalin yaro ah oo kala jooga adduunka dacaladiisa waxaana qaarkood ii sheegeen in wax yaabihii ay ka barteen barteeyda Youtube-ka ay hadda ku shaqeystaan.

Kadib markii dhalinyaro badan iga codsadeen inaan wax barida Youtube un ku ekeeyn ee aan si shaqsi ah wax ula wadaago dhalinyarada iyo aniga oo arkay in dhalinyaro badan heystaan qalab fiican balse aysan aqoon sida loo isticmaalo ayaan go’aansaday in sida soo socota aan ku dhaqaaqo.

Waxaan sanadkaan dhexdiisa bilaabay casharo isugu jira bilow iyo dhex dhexaad oo aan qaab online gaar ah u siinayay arday Soomaaliyeed oo meelo kala duwan joogta waxaana casharadaasi kusaabsanyihiin dhinacyada kala ah

  1. Sawir qaadista (Photography) oo laguu barayo si waa faqsan shuruucda iyo habka ay adduunku ku dhaqmaan waxaana kamid noqon doona meelaha aad ku barandoonto casharada bilowga ah.
    a) Kaamirooyinka ugu fiican uguna raqiisan
    b) Taariiq kooban oo kusaabsan sida kaamiroyooyinka la isku sawiraa ku soo bilowdeen
    c) Sida Kaamiradu u shaqeeyso iyo noocyada dhuumahoodu u qeeybsamaan
  2. Muuqaal duubista (Videography) oo laguugu baridoono haananka caalamiga ah ee adduunka wax looga duubo waxaana kamid ah qeeybaha xooga lagu saaridoono.
    a) Hababka ay u kala duwanyihiin dhinacyada muuqaal duubuhu istaagayo marka uu barnaamij duubayo iyo marka uu wareysi duubayo
    b) Sida filinduubistu uga duwantahay sheeko duubista.
  3. Naqshadeenta Sawirada (Graphic design) oo aad ku barandoono sida sawirka aad qaaday wax looga badalo adigoo isticmaalaya
    a) Photoshop oo ah barnaamij aad waxyaabo badan kusameynkarto
    b) Illustrator oo ah barnaamij aad ku qurxinkarto Sawirada iyo QoraalkaHaddaba marka casharadaasi aad qaadato waxaan kuu balan qaadayaa in wax badan ku kordhidoonaan aqoontaada la xiriirta arimaha kor ku xusan.

Fiiro Gaar ah.

Haddii  ay horay wax kuugu bilonaayeen waxaa jira casharo kale oo aan bilow ahayn oo ka sareeya qeeybaha kor ku xusan waxaase jiridoona su’aalo aan kuwaydiindoono si aan u ogaado inta aad arimahaan ka fahansantahay iyo sida aad u isticmaasho.

Sidoo kale Like saar page-ka aan facebook ku leeyahay oo aan kusoo gudbindoono arimaha kusaabsan barnaamijkaan adiguna aad kusoo gudbinkarto waxyaabaha aad baratay ee aad sameeysay.  HALKAAN DHAGSII SI FACEBOOK U ARAGTO 

IGALA SOO XIRIIR EMAILKAAN SI AAN KUGU SHARAXO QAABKA AAD KU BARANKARTO CASHARADAAN ifiyeshow@gmail.com

Fadlan share dhagsii si ay u gaarto dadka baahida u qaba barnaamijkaan.

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.