Ma joojinkartaa Video yada Qabyaaladda ka hadla ee Facebook La soodhigo?

Filed under: AQOONTA,BULSHADA,TUSMO |
Number of View: 7125

Waxaa su’aashaasi ina sooweeydiiyay qiyaastii 20 ruux oo kamid ah dadka isticmaala facebook ee aan aaminsaneyn in qabyaalad la iskucaayo kadib waxaan sameeynay baaritaan laxidhiidha sida ay suuragal kunoqonkarto in qofkastaaba awood u yeesho joojinta Muuqaaladda Noocaas ah.

Baaritaankeenii waxaan ka bilownay in marka hore aan ogaano waxyaabaha karreeban Shabakadda Facebook waxaana ay kala yihiin sidaan soocota:

  • HATE SPEECH ..Hadal Naceeyb kusaleysan

Facebook ma ogola in dadku iskugudbiyaan hadalo isnaceeyb kusalmeysan kuwaasi oo ay dadku iskucaynayaan .Midbad ahaan, diin ahaan, dal ahaan, jinsi ahaan, IWM.

Qeeybtaan waxaa soo hoos galaya in dadku qabyaalad ahaan iskucaayaan waayo waxaa ka dhalankara waxkasta oo lamid ah wax aka dhalankara qodobada aan sooxusnay.

  • NUDITY ….Qaawanaan

Facebook ma ogola in dadku soogudbiyaan sawiro qaawanaan ah waxaana arintaan qofku kuwaayikaraan akoonkiisa….

Haddaba Jawaabta su’aashaasi waxaay tahay in qofkastaaba joojinkaro Muuqaaladda isneceybka kusaleysan ee Facebnook lasoodhigo oo ay kamid yihiin Qabyaaladda, Cayda Kuxadgudubka diinta IWM.

Ugudanbeeyntii waxaan halkaan kugusoogudbineysaa sida loo dacweeyo ama loo wargaliyo maamulka Facebook ga marka Muuqaaladaan oo kale aad aragtro..

  • Dhag kudulsii Muuqaalka korkiisa…haddii aad u jeedo qofka soodhigayna toos u booqo boggiisa kadibna Muuqaalka xun dhagsii siaad udaarto..
  • Kadib iska jooji muuqaalka hadduu shidmay Kadibna dhagsii meesha ay kuqorantahay OPTIONS …
  • Waxaa meesha yare e furantay Kaaga soomuuqandoona meelkale oo ay kuqorantahay REPORT VIDEO ama REPORT IMAGE haddii wax aad reboodgareynaysaa ay Masawir yihiin Dhagsii meeshaas.
  • Kadib waxaa kuusoobixidoona meelkale oo waxyaabo badan kuqoranyihiin kadooro meesha ay kuqorantahay HATE SPEECH waa haduu yahay wax naceyb abuurikara addii uu kusaabsanyahay Galmo dooro meesha ay kuqorantahay Sexually explicit content.
  • Meesha yare e kuusii furmaysa Kadooro TARGETTING RACE waa midda ugu dhaw qabiilka ..
  • Meesha ugudanbeysa wax wargelinkartaa qofka soogaliayay inaad dacweysay ama waa iska Block gi kartaa qofkaasi balse ha ilaawin inaad Jag saarto meesha ay ku qorantahay “REPORT TO FACEBOOK”
  • Kadibna Dhagsii CONTINE …

Intaa kadib waxaa hubaal ah in haddii dhowr qof ay sidaa yeelaan in Muuqaalkaasi gabi ahaanba lagasaaridoono Facebook…

Fadlan haddii wax aad kasii fahmiwayso arintaan waadnasoowaydiinkartaa ..

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>