Idaacad Afsoomaali ku baxaysa oo Laga hirgaliyay Magaalada Minneapolis .. Wax ka ogow Nooca Idaacadaasi…

Filed under: BULSHADA,SAXAAFADA |
Number of View: 3313

Tan iyo markii uu bilawday bur burkii Soomaaliya waxaa dalka Mareykanka ku qul qulayay Soomaali aad u farabadan oo ka imaanayay Wadamada dariska la ah Soomaaliya waxaana Soomaalidaasi intooda badani ay Mareynkanka ka dagayeen Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Muddo badan waxaa soomaalida halkaasi dagan qaarkood ay ku fikirayeen sidii ay ku heli lahaayeen Idaacad Afkooda ku hadasha oo ay kala socdaan Dhacdooyinka quseeya Soomaalida halkaasi ku nool waxaana ugu danbeyntii ay ku guuleysteen in ay helaan Idaacad Afsoomaali ku hadasha xarunteeduna tahay Magaalada Minneapolis.

Idaacadaasi waxaa lagumagacaabaa KALY RADIO waxaana howlwadeeno ka ah qaarkamid ah Suxufiyiintii Dalka kasoobaxay xilligii dhibaatada suxufiyiintu bilaabatay iyo qaar kale oo muddo badan joogay Dalka Mareykanka…

Kaly-Radio

Haddaba Idaacadaani Maxaay kaga duwantahay Idaacadaha Soomaaliya ee FM ta ah?

Idaacadaha Soomaaliya Dhamaantood waa Idaacado Ganacsi ahaan loo furtay oo u jeedada laga leeyahay ay tahay in wax laga faa’iido sida in ay siidaayaan xayasiino IWM Waxaana Idaacadaha Noocaasi oo kale ah Afka qalaad laguyiraahdaa Commercial Radios Balse Idaacadaan Laga furay Mareykanka waa ay ka duwantahay kuwaan Waxaana Layiraahdaa LOW POWER RADIO oo macneheedu tahay in marka hore codkeedu uusan meel fog gaari karin iyo marka labaad oo ah in aysan ahayn Idaacad Ganacsi ee ay tahay Midd loogutala galay in Jaaliyada ay u adeegto taasoo kadhigan in Afka qalaad laguyiraah Community Radio Station.

Idaacadaan ayaa wax wayn kusoo kordhinkara Soomaalida ku nool halkaasi waxaana ay sidoo kale fursado shaqo u abuuri kartaa Suxufiyiinta Ku nool Magaaladaasi oo qaarkood ay hadaba la shaqeeyaan Idaacadda..

 

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>