HADAAN LAYSKU DHIMANEYN!!!!!!!!

Filed under: BULSHADA,TUSMO |
Number of View: 6413

Jaceyl wayeel baa na baray

Waxaa la weriyey in nin taajir ah uu guursaday haween uu ku xushay Jamaal iyo joogeeda, deetana isagoo safar shaqo ku maqan ayaa haweeneydii waxaa ku dhacay cudur ka haleeyey oo bedelay wejigeeda.

Waa aduunyo iyo xaalkeede waxaa isna ninkii ku habsaday intuu Safarka ku maqnaa shil indhaha tiray. waxayna nolosha ku dhameysteen farxad aan ka dhicin farxada maalintay is guursadeen, isagoo indha la’, iyana waysay quruxdii lagu doortay ee lagu guursaday.

Iyadoo xaalku sidaa yahay oo ay nolosha la damaashaadayaan ayuunba haweeneydii mowtul-fajo u yimid, kadibna gurigeedii runta ah ayaa dhabanka loo dhigay. markii laga soo dareeray qabrigii, ayuu u sara joogsaday odaygii marxuumadu u dhexeysay, deetana nin ay qaraabo ahaayeen oo aaska kasoo qeyb galay ayaa weydiiyey Odaygii; halkeed ku socota?……….Isna gurigeyguu ayuu ku jawaabay, markaasuu ninkii ku celiyey isagoo murugeysan, una diyaara inuu caawiyo: yaa gurigii ku geynaya ileen waad indha la’dahaye?…….. Odaygii ayaa ku jawaabay: Ina Abti ma indho li’iye, waan iska yeel-yeelayey, si buu yiri, aanan u dhaawicin xaaskeyga waayoo waxay aheyd afo gaariyo iyo raalinimo ALLE ku manaystay intuusan cudurku ku dhicin ka hor, sidaasi awgeed ayaan ugu cabsaday oo indhoole isaga dhigay!!!!!!

NB:

Hadaan laysku dhimaneyn, Nafta laysku dhiibeyn, sow maaha dhalanteed.

Heestii; Jaceyl dhiig malagu qoray.

Hal-abuure: AL Ustaad MOHAMED WARSAME IBRAHIM (Hadrawi)

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.