Fariin Muhiim u ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Afrika joogta oo aan Markale dib u daabacnay…Aqri oo sii gudbi.

Filed under: BARO SAXAAFADA,SAXAAFADA |
Number of View: 14453

DIGNIIN1Waxay ahaady Bishii Koobaad ee Sanadkaan Markii aan wariyaha.com ku daabacnay Warbixintaan oo Mudo laba maalmood ah ay ku aqristeen dadka badnaa LABA KUN oo ruux oo Suxufiyiintu ay ka mid yihiin waxaa sidoo kale xigtay in kabadan sideed website inta aan ognahay .

Markale ayaan jecelnahay inaan daabacaadeeda ku celino maadaama ay ka hadleyso Arin wali in wariyayaashu ogaadaan ay muhiim tahay haddaba waatanaa Warbixintii ee isha mari share-na dheh Mahadsanid ..

Alla Ha u naxariisto Wariye  Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo katirsanaa Shabelle wuxuu noqday Wariyihii lagu bilaabay dilka wariyayaasha ee Sanadkaan Cusub wuxuu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray Weerar ay kooxda disha wariyayaasha ay kusooqaadeen xilli uu kusugnaa meel u dhaw gurigiisa.

Digniinta uu Wariyaha.com u jeedinayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwooda Jooga Wadamadda Afrika ee ay Soomaaliya ugu horeyso waxay tahay in ay sii laba jibaaraan Taxadarkooda maadaama aan horay u soo baranay in Sanadkasta horaantiisa ay wax magaratadaasi ugaar sanayaan Suxufiyiinta Si loo sheeg sheego in sanadka cusub lagu bilaabay dilka wariyayaasha .

Sadexda bilood ee ugu horeysa Sanadka ayeey wax magaratadaasi qorsheeyaan in ay dillaan Wariyayaal badan si loo qal qal galiyo Warbaahinta Soomaaliya iyo Aragtida Caalamku ka qabo Soomaaliya.

Wariyayaasha Kusugan wadanka Soomaaliya meel kasta oo kamid ah waxaa ugu baaqeynaa in ay laabta ka socdaan oo ay laba jibaaraan Taxadarkooda ilaahbaa wax ilaaliyee.

Dilalkaasi waxaa sidoo kale ay ka dhici karaan wadamadda Kenya, Uganda,iyo Koonfur afrika oo ay Suxufiyiintu naftooda kula soocarareen .

HALKAAN KA QARI DIGNIINTII AAN SANADKII HORE U DIRNAY SUXUFIYIINTA, Waxaa Lagu daabacay in kabadan 10 website Mahadsanidiin Waxay ahayd sidaan Fariintaasi.

—Waxaa Socoda Mowjad Dilal ah oo Kaa dhan ah, Waxaa muuqata in Meelkasta oo aad Ka joogto Wadamadda uusan amaankoodu Hagaagsaneyn Lagugu dili karo, Waxaa muuqata In Cadawtinimadda ay kuuqabaan Waxmagaratadda Hubeysan ay sii kordheyso Maalinba Maalinta kadanbeysa, Waxaa Muuqata In la rabo in Caruurtada La agoontinimeeyo, Xaasaskaaga Lacarmaleeyo, Aduunyadana Lagaaqariyo, Waxaa Muuqata In aadan Garaneynin Cidda Rabta in ay Kudisho misna Lagudilaayo, Waxaa muuqata In dilkaagu Wax magaratadda U yahay Mid ay kufaanaan Magacna ay kuraadiyaan.

Xasuusnoow Haddii aad tahay Suxufi adiga Iyo Walaalaha kale ee Sida ba’an loodilay waad usimantihiin Waxmagaratadaasi Wariyayaasha Dila, Imisay Caruur agoon kadhigeen ? Imisey wariyayaal Dalka Ka cayriyeen, Imiseey Caruur agoontinimeeyeen? Imisey Wariye Handadeen? Imisey Kunecebyihiin? Waxaa socda Dagaal Balaaran oo adiga kaa dhan ah lana Rabo in adigoon Hub qaadan aad iska Caabiso.

 

Si (deed Isaga Caabineysaa ?

Marka Hore ogoow Naftaadda Iyo shaqaddaada Waxaa Muhiimsan NAFTAADA, sidaa Daraadeed Waxaa Yareyn kartaa Socodkaaga adiga oo misna Heli kara warkasta oo aad u baahantahay. TUSAALE ahaan , SUUQA XOOLAHA ayaa Warkaagalay , Halkii aad ka aadi lahayd Waxaad sameynkartaa Xidhiidho Taleefoonka ah Adiga oo jooga Xaruntaadda Warbaahineeed haddiiba ay kutaalo meel xoogaa amaan roon.

Waxaad ayreyn kartaa Booqashaddada haddi ay jiraan Saaxiibo ama Ehel meelo kala Dagan Iyaga ayaa kusooboqonkara ama Taleefoonka ayaad kuwada hadli kartaan.

Wax ceeb ah Malaha haddii inta wariyayaashu Isku tagaan meel ay Dalbadaan Gaari ay saaranyihiin Ilaalo Hubeysan si lamid ah sida ay sameeyaan Wariyayaasha Ajaanibta ah ee Dalka Taga, Balse waxaa laga fiicanyahay In wariyayaashu Isku qaataan Qoriga iyo qalinka labadaasi oo aan meel wadagalin.

INKASTOO QOFKII TIISU DHAMAATO aan lacelinkarin haddana Taxadarku waa Muhiim, inkastoo ay Tiisu gashay Wariyihii Udanbeeyay ee ladilo Marxuum C/raxmaan Maxamed Cali Haddii uusan Tagi lahayn Suuqa xoolaha Raga dilay isma arkeen … Sidaa Daraadeed wariye Feejignoow oo Laabata ka soco Markastana Ishaadu Ha dheeraato.

DADKA KUDILAYA WAA NOOCEE?

Dadka Kudilayaa waxay isugu Jiraan Noocyadda kala duwan Ee bulshadda, Dhalinyaro Hubeysan habba u badnaadeene, Waxay noqon karaan dad waaweeyn, Dumar, Dhalinyaro, Gawaari la bambeeyay, Xoolo, Ama Xayawaan, Waxay Ku labisnaan karaan dareyska Dowladda, Dareyska Iskuuladda, Dareyska Caadiga ah ee Dadwaynaha, iyo Dhar kasta oo Soomaalidu Kulabisto.

ILAAHEY HA KU DHOOWREE FEEJIGNOOW……

SII GUDBI FARIINTAAN HADDII AAD WAX KUDAREYSANA LA SOOXIRIIR EMAILKAAN SI AAN U SOODAABACNO

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro