DIYADA DAAHIR DAREEN BEY REEBTAY! Qormo Xiiso Leh

Filed under: BULSHADA,TUSMO |
Number of View: 5905

Hooyo xaliimo waxay ahayd Gabar waqtigeeda usoo baxday oo la oran karay wax badan ayay dheerayd ugana duwanayd dumarka ay bahwadaagta ahaayeen ee ay isku meesha ku noolaayeen, waxay ahayd qof aad u fir fircoon oo mar walba caqliga iyo fir fircoonida wax ku dheerayd asxaabteeda, xaga nasiibkana mar walba kaga horaysay oo meel aan la gaarin gaari jirtay dhan walba marka la eego.

Xaliimo waxay ahayd Gabar yar oo markaa soo qaan gaartay, waxaa la dhashay Cabduqaadir oo ahaa walaalkeed ka yar, Aabahood ayaga oo yar ayuu dhintay ayaga oo Agoon ah ayaa waxaa ugu darsoomay rajanimo kadib markii si lama filaan ah ay u geeriyootay hooyadood oo wax badan aan ka damabayn aabahood.

Xilligu waa xilli adag oo waa xilligii gumaystahii Talyaaniga, waxay ku qasbanaantay xaliimo in ay koriso walaalkeda ka yar Cabduqaadir oo cid aan iyada ahayn sugayn iyada ayaana u ahayd Hooyo iyo Aabab,

Xaliimo waxay ahayd gabar Karti, Qurux, Iimaan, dhinac walba uu Alle u dhamaystiray taasna waa sababta ay uga duwanayd qof walba oo dumarka asaageeda ahaa.

Kadib geridii hooyadeed iyo aabaheed waxay ku  fakartay in walaalkeeda oo markaa ahaa 2 sana jir ay dhabarka u xajisato sidii ay ku korin lahayd waxayna bilowday shaqo raadis, nasiib wanaag waxay ka heshay shaqo gumaystiihii talyaaniga, waxaana kaalmayn jiray islaan eedadeed ah oo gacan ku siin jirtay in ay wiilka walaalkeed ah usii hayso inta ay shaqada ku maqantahay xalimo.

Xaliimo dadaalkeeda shaqo waxaa aad u jeclaaday dadkii ay markaa la shaqynaysay oo lahaa ajaanib iyo soomaaliba, sidaas ay tahayna waxay xaliimo si hoose uga mid ahayd qolooyinkii ololaha xornimo doonka ku jiray, balse, ma jeclayn in la ogaado in ay waxaas lug ku leedahay, hadana waxay ahayd mid si hoose uga qayb qaadan jirtay halganka markaa socday.

Muddoo markii ay shaqaynaysay xaliimo waa ay guursatay oo waxay guursatay Nin markaa u qalma oo shaqo fiicana haystay dhinac walbana ay iska fahmayeen, balse, Bani aadamka is fahamkooda waa inta baahidooda ay jirto, fahamka aan ka hadlayana waa mid ku salaysan isku baahnaashaha ay markaa isku baahnaayeen iyo is fahamka ay isla fahmeen in ay nolosha ku shirkoobaan,

Guur wanaagsan oo aad looga soo shaqeeyay kuna salaysnaa dhaqanka soomaaliyeed ayaa ka dhacay meeshaas iyada oo ay kasoo qayb galeen gumaystayaashii iyo saraakiishii markaa ay isla shaqeenayeen xaliimo qaarkood, waxaana la oran karay guurka xaliimo aad ayaa loo soo camiray wuxuna ahaa guur lagu wada faraxsanyahay oo dhan walba ka dhisnaa ,maadaama labada qof ee is guursanaysa ay ahaayeen laba qof oo laga wada jeclaa halka ay ka shaqaynayeen.

Ibraahim waa xaajiga cusub ee xaliimo ay nolosha wada wadaagayeen isku meelna ay ka shaqayn jireen, muddo markii ay is qabeen ayaa wuxuu Alle ku mannaystay Wiil loo baxshay Daahir yare.

Xaliimo wiilkeeda yar iyo walaalkeedii yaraa ee cabduqaadir ee ay korinaysay labadooba isku meel ayay kula noolaayeen, galina waa ay shaqaynaysay, galina ayaga ayay la joogtay, goobta waa magaalada Muqdisho Xaafadda Zoope.

Xaliimo si wanaagsan ayay dhexda ugu xiratay in labadaas wiil ee ay  mid dhashay kan kalana uu la dhashay in ay wax barto way ku dadaali jirtay, sida dhaqanka soomaalida iska ahna waxaa ilmaha la geeyaa marka ay xoogaa soo caqliyaystaan Dugsi Quraan, si quraanka ay u bartaan, markaas kadibna  haddii ay suura gal tahay lala aado iskool.

Waxaa dhacday in maalin maalaha ka mid ah Xaliimo oo shaqada dhaqso kasoo baxday ay aragto wiilkeedi yaraa ee daahir ahaa oo ku ciyaaraya meel aan sidaa uga fogayn gurigooda, dugsigiina u gooyay.

Waxay ku qasabtay in uu Dugsiga aado, maalintaa wuu ka yeelay, Daahir yare wuxu ahaa wiil yar oo aad u dhib badan dugsigana neceb oo mar walba haddii uu heli karo jaanis uusan ku aadin dugsiga  u gooya.

Dhowr mar ayay aragtay hooyo xaliimo wiilkeeda oo aan dugsiga aadin, waxayna mar walba canaanan jirtay walaakeeda yar waa Cabduqaadir oo ay ku canaanan jirtay in uusan Xil iska saarin in uu wiilka dugsiga ku celsho, ama uusan u sheegin marka uu daahir yare dugsiga u gooyo.

Cabduqaadir naftiisa gar ayuu lahaa maadaama wax badan uusan sidaa uga waynayn wiilka uu abtiga u yahay ciyaalna ay isla ahaayeen waxaa ka dhaxeeyay mar walba is faham hoose, balse cabduqaadir isaga marnaba uma goyn jirin Dugsiga.

Waxaa dhacday in maalin gaar ah ay aragto wiilkeeda oo dugsiga u gooyay, markaas ayay xogaa inta xanjafisay ku dartay walaalkeed oo tiri gee dugsiga macalinkana ha canaanto wiilkan dugsi goyska badan anigana noloshiisa ayaan la hardamayaa isagana sidan ayuu waxyelayaa.

Isla markiiba waa is raaceen daahir iyo abtigii yaraa cabduqaadir oo sidii ayay dugsiga ku tageen markii ay tageena cabduqaadir wuxu gudbiyay fariintii ay walaashii xaliimo usoo dhiibtay ee ahayd in uu macallinka wiilka canaanto.

Macallinkii markii uu xanjaftii ugu horaysay ku dhuftay Daahir yare, daahir isla markiiba wuu suuxay, waqtiga ayaa iska qornaa ee ma ahayn Usha macallinka wiilka ku dhuftay ul naxariis daran oo sababto in loo dhinto,  xitaa halka uu usha uga dhuftay waxay ahay Lugta.

Cidna isma dhahayn daahir sidaas ayuu ku naf baxay, waxaa loo wada haystay in daahir suuxay sidii ayaa loogu dhiibay ardaydii dugsiga iyo abtii cabduqaadir si xaafadda loo geeyo oo uu usoo nasto, muxuusa nastaa waaba wiil ay waa hore nafta ka haadday.

Waxaa la yaab lahaa in maalintaas ay hooyadiis ku qasbayso uu aad uga gil gishay in uu aado dugsiga isaga oo ku qaylinayay in uu dhiman doono, balse, cid warkiisa maqashay aysan jirin oo waxaa la is lahaa waa dugsi diid, waxa hadalkaa ka keenayay waana iska caadi oo waa wax dhaco marka ay ilmaha sidaa dugsiga u diidaan.

Xaafadii markii la keenay oo ay aragtay ayay isla markiiba dareentay in wiilka kaliya ee ay dunida ka fiirsanaysay uu ku baxay gacanta macallinkii dugsiga, iyadu ma aaminsanayn in uu macalinka si xun u dilay wiilkeeda fakarkaas oo gali lahaa hooyooyinka qaarkood, balse iyada maadaama ay lahayd iiman adag waxay ku kalsoonayd in macallinka uu iska ahaa sababta maadaama ay aqoon fiican u lahayd macallinka.

Xitaa walaalkeed cabduqaadir oo ay waraysatay sida ay filaysay ayuu u sheegay in macallinka uusan si xun u dilin wiilka, ul yar oo kaliya ayuu uga dhuftay Lugta Midig markaasna uu wiilki aamusay wax kalana uusan ku dhufan, sidii ayaa lagu aasay daahir yare.

Waxaa dhacday in daahir yare aabihiis Ibraahim uu aad uga gilgisho oo uu dacwad u qabsaday macallinkii ilaa la isla gaaray Maxkamad, isaga oo ku eedaynaya in wiilkiisa uu ku maqan yahay macallinka gacantiisa.

Balse hooyo xaliimo oo ahayd wiilka hooyadiis ayaa waxay isku dayday in ay ninkeeda si hoose iyo si kalaba u qaboojiso iyada oo dhowr jeer xitaa inta wadday dugsiga kor ka gaysay oo tusisay sida uu macallinka ciyaalka u xanjafinayo, ujeedada ay intaas oo dhan u subinaysana ay ahayd in ay ku qanciso ninkeeda in uu macallinka dambi lahayn ee waqtiga wiilka uu meesha ku dhamaaday sababna ay iska ahayd arrintan.

Aaba ibraahim  arrinta wuu ka caga jiiday wuuna diiday in dhiiga wiilkiisa laga soo qaado wax aan jirin, wuxuu ku doodayay in wiilkiisa loo qisaaso macallinka, ama macallinka laga qaado Diyo, taas oo ay hooyo xallimo aad uga gilgilanaysay , ilaa arrinta ay maxkamad gaarto, maxkamaddaas oo u dhaxaysay hooyo xalimo iyo macallinka oo dhinac ah, iyo ibraahim oo ahaa aabaha daahir yare Sayga hooyo xaliimo.

Waa arrin la yaab leh in hooyo iyo aabe dhalay wiilka meesha lagu dilay inay la kala saftaan ninka lagu tuhmayo in uu gacantiisa ku baxay  wiilka, hooyo xaliimo waxay taagantahay arrintu ma ahayn Ulakac, waxay iska ahayd shil sabab iska ahaa oo aan lagu tala galin, macallinkana ay ka ahayd edbi wiilka, iyadana ay sidaa amartay oo ay ugu fartay walaalkeeda yar macallinkuna uusan lahayn wax Dambi ah.

Kiiska wuu waynaaday magaalada oo dhan ayuu qabsaday maadaama labada qof ee iska dhashay wiilka dhintay ay ahaayeen laba qof oo aad looga wada yaqaan magaalada, waxaa kaloo xusid mudan in markaas mar u dhow la qaatay xornimadii Waddanka, Dowlad soomaaliyeedna ay jirto markaas.

Waxaa soo wada xaadiray qof walba oo magac lahaa, waxaana dadka la xusi karo ka mid ahaa safiirada Sucuudiga iyo Masar iyo ergo markaa ka joogtay jaamacadda carabta, kiiska magaalada oo dhan ayuu qabsday hadal hayntiisa.

Ibraahim waxaa loogu naseexeeyay in uu iska cafiyo macallinka, balse miinka ayuu cuskaday, hooyo xaliimana waxay diyaar u ahayd in ay macallinka bad baadiso oo ay iyada bixiso Diyada wiilkeeda uu aabihiis ka doonayo.

Maxkamadda inta aysan xukunka ridin ayaa waxaa hadlay hooyada dhashay wiilka la isku haysta una dhaxda ninka doonaya diyada wiilkiisa ama in loo qisaaso macallinkii uu ku baxay gacantiisa, waxayna hadalkeeda ku bilowday “ waa aniga qofka sagaal bilood caloosha kusoo sidday wiilka waana ogahay waana xushmeenayaa Dhaqanka iyo Diinta intaba, waxaan codsanayaa macallinka wax dambi ah ma lahan, ibraahim waa aabaha wiilka wax khalad ah ma lahan waan dareemi karaa dareenkiisa wax eed ahna ma lahan, balse, sida wanaagsan maadaama uu ila fahmi waayay laba qof oo isku dhexdana aan nahay aniga ayaa bixinaya Diyada wiilkayga ee hala sheego, macallinkaas maskiinka ah ee ilmaha badan u xamaasha wax dambi ah ma lahan ee maxkamadda ha sheegto inta diyo ahaan wiilkayga looga bixinayo.

Markii ay intaas tiri ayaa waxaa istaagay safiirka Sucuudiga iyo ergay ka socotay Jaamacadda Carabta oo yaboohay in ay bixinayaan diyada, balse, hooyo xaliimo ayaa ka diidday, waxayna tiri taariikhda ayaa la doonayaa in ay gasho in ay jirto hooyo wiilkeeda dhintay misana magtiisa bixisay, oo siisay aabihiis isagana uu ka qaatay, hala sheego inta la iga doonayo aniga ayaa bixinaya”

Aaba ibraahim oo ay arrinta fajiciso ku noqotay balse ay ka go’nayd in dhiiga wiilkiisa uusan wax la’aan noqon ayaa yiri “haddii ay bixinayso waa ok diyaar ayaan u ahay in aan ka qaato maadaama ay iyada tiri hooyadii ugu horaysay ee wiilkeeda diyadiisa bixso ayaan noqonayaa oo ay taariikhda ha gasho tiri, anigana waxaan diyaar u ahay in aan noqdo aabihii ugu horeeyay ee diyo ka qaato wiilkiisa hooyadiis”.

Sidii ayaa maxkamadda go’aanka ku tuurtay diyadii ayaana la xukmiyay, hooyo xaliimo dhowr Boos oo ay magaalada ku lahayd laba ka mid ah ayaa noqotay diyada wiilkeeda sidii ayayna ugu saxiixday ninkeeda.

Xoogaa ayay isla noolaayeen iyadoo wax cuqdad ah aysan jirin oo caadi ay ahayd noloshooda, hooyo xaliimo markaas kadib dhowr Uur ayay qaadday, balse, uma kicin oo nasiib uma yeelan in ilmo kale ay u dhasho aabo ibraahim.

Muddo kadib xoogaa is faham darro ayaa dhex maray kadibna waa lagu kala tagay guurkii isaga ahaa, kadib hooyo xaliimo waxay guursatay Nin kale balse wax awlaad ah uma dhalin, muddo kadib hooyo xaliimo waqtigii ayaa qabtay wayna geeriyootay balse, waxay ka tagtay Taariikh gashay taariikhda adduunka iyada oo noqotay hooyadii bixisay diyada wiilkeeda.

Sheekadan waxaan kasoo xigtay oo ii dhiibtay gabar uu dhalay cabduqaadir waa wiilkii ay korisay hooyo xaliimo ee walaalkeed ahaa.

Allaha u naxariisto xaliimo runtii waxay ahayd Qof Alle u dhiibay Iimaan iyo Xikmad.

W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>