Dardaaran ku socda Hoggaanka Cusub ee NUSOJ

Filed under: BULSHADA,SAXAAFADA |
Number of View: 2533

Xogahaye kusoo dhawoow Saxaafada Soomaaliyeed ee aanan lamidka aheyn kuwa dowladaha dunida, wariyeyaasha Soomaaliyeed ee aanan gaarsiisneen heerka kuwa Caalami ee aad lasoo shaqeysay hadey jiraan kuwa gaarsiisana aanan la kulmin qiimeynta iyo qadarinta kuwaa ay Bulshooyinkooda ka dhex heleen. Waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo waxaad ogsoontahay lagana yaabo inaad iiga xog ogaalsantahay inbadan Balse aan jecleystay inaan kugu sii adkeeyo.

Xoghaye waxaa maanta ku doortay Saxafiyiin soomaaliyeed oo xuquuqdoodu lunsaneed inbadan kuguna tuhmay inaa tahay qofka kaliye ee usoo dhicin kara.

Waxaa laguu dhiibay Xilka saxafiyiinta Soomaaliyeed oo idil kuwo ku taageersan iyo kuwo aanan ku taageerin waxaa lagaa rabaa inaad qanciso kuwa kaa soo horjeeda aadna u cadaalad fasho kii ku taageeray iyo kii ku diidayba.

Mudane Xoghaye wax jira saxafiyiin badan oo xuquuq aan ka helin hay’adaha ay u shaqeeyaan taa oo loo aaneeyo sababo badan, waajibaadka ku fuulaya ayeyna kamid noqoneysaa inaad xuquuqdooda la doonto.

Sidaa la socoto waxaa jira wariyeyaal badan oo u shaqeeya idaacado ama Tvyada madax banaan kuwaa oo xarig iyo tacadiyo kale ku muteysta warar ama Barnaamij khilaafsan Sharciga dowladnimo taa oo ay keenayso Tababarada Xirfadlayaasha ay ka heystaan Mihnadan oo aanan gaarsiisneen heerki laga rabay waxaan rabnaa inaad isku daydo furista Xarun tababareed oo Caalamiya taa oo kor u qaada aqoonta saxafiyiinta.

Mudane saxaafada waa indhaha Bulshada waxa looga baahanyahayna waa soo celinta Midnimada Soomaaliyeed mana muuqato haatan inay u shaqeynayso caynkaa, waxaa waajiba inaad soo kordhiso Saxaafad raadinaysa Midnimimo iyo wadanoolaasho lana dagaalanta Xagjirnimada Musuqmaasuqa Maamul xumada iwm.

Mahadsanid Xoghaye Maxamed Ibraahim Macalimow Waxan kuu Rajeynayaa Dadaal Iyo wax Qabadka Aan Kugu Dooranay.

Gudoomiyaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan.

Mohamed Abdikadir Socdaal

Mohamedsheikh001@gmail.com

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>