Computer Noocee ah ayaad Gadaneysaa ? Tilmaamooyin kusaabsan Nooca ugu fiican.

Filed under: AQOONTA,TUSMO |
Number of View: 13618

Inagoo ka jawaabeyna su’aal uu nasoowaydiiyeen Laba aqriste oo kala jooga Koonfur Afrika iyo Uganda ayaan sidoo kale jecelnahay inaan uga siifaaiideyno aqristayaasheena kale ee laga yaabo in jawaabtaan oo kale ay raadinayeen.
Su’aashu waxay ahayd Computer noocee ah ayaad igula talineysaan inaan iibsado?
Marka ugu horeeysa aqriste in computer aad iibsato waxaa ka horeysa in marka hore aad iswaydiiso Maxaad u isticmaaleysaa computer-ka? Ma si shaqsiyadeed sida isticmaalka internet-ka, Facebook-ga kuqortaanka qoraalo iyo dhageysiga maqal ama daawashada muuqaal.. Haddii sidaa ay tahay nooca aad u baahantahay maahan mid sidaa u qaali ah wuxuuna noqonayaa sida soosocta.
Computerada waxaa ay u qeybsamaan dhowr nooc balse aan ka sooqaadano Desktop Computer oo ah nooca way nee guryaha ama xaafisyada ladhigto iyo laptop oo ah nooca yare e hadba meeshaad joogto kuuraaci kara adigoo gacanta kusita.
1- Desktop .. Nooca ama shirkadda adiga ayeey kugu xirantahay balse TOSHIBA AMA DELL waxay kamidyihiin kuga loogu isticmaalka badanyahay waxaadse eegtaa inta sano ee ay kusiinayaan oo aad iyaga kusoocelinkarto haddii cilad muuqataa kutimaado. Kadib markii aad go’ aan sato nooca waxaad eegtaa Sadex Meelood .
1- Memory (RAM) oo ah maskaxda caadiga ah ee computerka oo sidoo kale looyaqaano DDR3 memory, wuxuu waxbadan kaga taraa fududaanta iyo xawaaraha computer-ka . wuxuu leeyahay qeybo badan balse 4GB waa meesha ugu fiican markaad si shaqsiyadeed u isticmaaleyso. Balse ogow awooda RAM-ka ayeey ku xirantahay howlqabashada Computerka ,haddii Maskaxdiisu fududahay ayeey howshiisuna fududaaneysaa.
2- Hard Drives.. oo isna laxiriira wax keydinta computerka, wuxuu muhiim u yahay in waxyaabaha kukeydsan computer-kaaga aysan cusleeynin shaqadda computer-ka sidaa daraadeed ayuu muhiim u yahay. Uguyaraan waa in computerkaagu leeyahay Hard drives awoodiisu tahay 1TB ,balse ogsoonoow iyadana haddi aadan rabin in computerkaagu cuslaado kataxarad awoodiisa .
• Haddii Computerka aad u rabto shaqo ahaan ama inaad game-ku ciyaarto intaan kor kusoosheegnay sida RAM-ka iyo Hard Drives-ku waa inay awoodoodu batanahay tusaale ahaan RAM-ka waa inuu yahay 16.00GB Hoos ayaan kugusookoobeynaa nooca iyo meelaha aad iska fiirineyso .

• CPU: Intel Core i7-3770K 3.5GHz Quad-Core Processor
• CPU Cooler: Cooler Master Hyper 212 EVO 82.9 CFM Sleeve Bearing CPU Cooler
• Thermal Compound: Arctic Cooling MX4 4g Thermal Paste
• Motherboard: MSI Z77A-G45 Gaming ATX LGA1155 Motherboard
• Memory: Corsair Vengeance Pro 8GB (2 x 4GB) DDR3-1866 Memory
• Storage: Samsung 840 Pro Series 128GB 2.5″ Solid State Disk
• Storage: Seagate Barracuda 2TB 3.5″ 7200RPM Internal Hard Drive
• Video Card: MSI GeForce GTX 770 2GB Video Card
• Case: NZXT Phantom (Black/Orange) ATX Full Tower Case
• Power Supply: Corsair Enthusiast 850W 80 PLUS Bronze Certified ATX12V / EPS12V Power Supply
• Optical Drive: LG GH24NS95 DVD/CD Writer
Intaasoo dhan waa u muhiim computerka shaqada ee laga yaabo inaad filim ku jar jarao ama aad game ku ciyaarto lagactiisa qiyaas ahaan $1297.89 waxaase lasameynkaraa in qalabkaan oo dhan aad gooni gooni u soo gato kadibna isku xir xrato hadaad ku fiicantahay qeybta Hardware-ka .
Nasiib wacan ayaan kuu rajeynayanaa iyo in computer-kaaga xiga uu noqdo mid ku anfaca ..
Wixii talo ama tusaale ah noogusoodir emailka ah wariyaha.com@gmail.com su’aalahaagana nagusoowaydii.

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro