BBC Laanta Afsoomaaliga oo ku jirta Waqtigeedii ugu xumaa Abid..

Filed under: SAXAAFADA |
Number of View: 3661

bbc-daBBC Soomaali Marbay ahayd Idaacad dadka Soomaaliyeed Aamineen oo waxaayba gaartay in ay qeeyb ka noqoto Maah maahyooyinka iyo hal qabsiga Dadka Soomaaliyeed oo waatii qofka warka badan la oran jiray ” Warbadanaa Ma BBCbaa” Heerkaas waxaa gaarsiiyay shaqaaleheedii xilligaasi oo ahaa Suxufiyiin khibrad u lahaa shaqadooda laga soo bilaabo Maamul ilaa Shaqaale.

Waxaay ahayd war-baahinta kali ah ee la’aamino xitaa hadii uusan warkeedu sugnayn waayo caamo iyo culumo intaba waxaay aaminsanaayeen in BBC-du tahay runsheeg aysan marnaba suuragal ka ahayn in been ay sheegaan.

Sidoo kale BBC-du waxaay ahayd dugsi laga barto Af-ka Soomaaliga, taariikhda, iyo Afafka kale oo dad badan ayaaba intaa oo kali ah u dhageysanjiray gaar ahaan Soomaalida Joogtay meelaha Miyiga ah ama kuwa joogay meelo ka baxsan Soomaaliya.

Marka Warka duhurnimo ee BBC ay isku dhii dhiibayaan Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke iyo Aamina Muuse Barnaamijkana uu Soosaaray Cabdullahi Xaaji Xiriirinta uu fadhiyo Cabdi Nuur waa mid kamid ah maalmihii ugu wanaagsanaa ee BBC-da oo aysan suura gal ahayn in dib ay usoolaabtaan.

Adduunka waa wax ka jira in shaqaalaha hore marka ay gaboobaan ama ay shaqada iska casilaan in aysan howshu u joogsan oo ay horay usocoto lagana yaabo in halkii markii hore ay joogtay ay ka sii hormarto iyadoo laga faa’iideysanayo hormarka mar walba dhinaca qalabka laga gaarayo balse waxaa iyana meesha ku jirta in tayada Luuqadeed iyo Barnaamij soo saareed aysan hoos u dhicin.

Sanad kasta  BBC qeeybteeda Soomaalida la hadasha waxaa shaqada ka taga mid kamid ah Shaqaaleheedii danbe kuwooda loogu jeclaa  Sanadkii hore dhamaadkiisa waxaa shaqadii ka tagay Weriyihii ugu fiicnaa kuwa wararka soo dira Weriye Maxamed Ibraahim Macalimoow Sanadkaana waxaa Shaqadii katagay mid kamid ah weriyayaasha loogu jeclaa xagga War aqrinta Weriye Cabdiraxmaan Koronto oo ahaa Agaasimihii hore ee BBC-da.

Xusuuso markii ay halmar ka yaaceen , Aamina Muuse, Cabdisalaan Hareeri iyo Kuwo kale oo dhaamaantood ahaa Laf dhabarkii BBC-da dadbadana ay ku xusuustaan waayohoodii BBC.

Dhibka ugu wayn ee durbaba laga dareemay BBC-da ayna kuwaysay Taageeradeedii waa Dhowr arimood oo kala ah sida soosocta.

  1. TAYO LA’AAN XAGGA BARNAAMIJYADA IYO WARARKA AH… Waxaa aad u muuqda in tayadii looga bartay Barnaamijyada iyo Wararka BBC aysan sidoodii ahayn ayna ka muuqdaan qaladaad badan oo isugu jira Farsamo iyo diyaarin.
  2. QORISTA IYO KUHADALKA AFKA SOOMAALIGA.. xusuusnoow BBC waxaay ahayd dugsi laga barto Af-ka hadase waxaa aad ugu soobadanaya qaladaadka laxiriira isticmaalka ereyada ku haboon weedha iyo dhigaalka xarfaha marka ay noqoto dhinaca website-ka iyo Barahooda bulshada.
  3. TAYO LA’AAN XAGGA SHAQAALAHA AH…. Marka BBC warkeedu soogalo ee ay hadlayaan wariyayaashii hore kasokoow wax ay sheegayaan dadku waxaay ku raaxeysan jireen kodkooda aan hakadka lahayn eed moodu wax la soo xifdiyay balse hada waxaa muuqda in dhalinyarada ka hadsha BBCda codkoodu uusan u muuqan mid gaarsiisan heer caalami.
  4. XULASHADA DHACDADA…. BBC-du inkastoo wararkeeda inta badan laga soo qaato xaafiisyada kale ee BBC hadana marka ay noqoto dhacdo muhiim ah waxaay u baahantahay xulasho leh aqoon iyo waayo aragnimo iminka bbc wararkeedu waxaay u muuqdaan in xagga xulashadu ka wareertay.

Halkaan hoose ka aqriso war-bixin Wariyaha.com ka qoray Laba sano kahor isbadalka shaqaale ee ku Yimid BBCda Warbixintaasi oo aan ciwaan uga dhignay

Maxaa iskabadalay BBC-da Laanta Afka Soomaaliga?

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>