Aniga iyo Youtube-ka .Maxamed Siidii

Filed under: AQOONTA,BARO SAXAAFADA,SAXAAFADA |
Number of View: 5789

Dunidu waxay  mareysaa xilli cilmigii nuuckastaba albaabaka gurigaaga  laguugu keenayo adigoon wax qarash ah ku bixin ama lagu waydiisan inaad ka mahadceliso , innagana soomaali ahaan si aan aduunkaasi ula jaan qaadno waxaan u baahanahay dad waxbartay oo misna aan bakhiilin ee sii gudbiya waxa ay bartaan.

Waxaan shaki kujirin in waxbadan aan ku bartay sii gudbinta inta yar ee aan aqaano waxayna taasi horseeday in si un habayaraatee aan ula jaan qaadno xawaaraha xorriyadda cilmiga casriga ah ee Internet-ka.

Goorsii horeysay oo laba sano laga joogo ayaan kusoo biiray dadka Youtube-ka wax ku gudibiya anigoon wax rajo sidaa ah ka  qabin in dadka ku hadlaa af-keyga hooyo ay wax kadheefidoonaan Muuqaalada aan soogaliyo Youtube-ka balse maxaa dhacay?

Cashirkii ugu horeeyay oo aan kaga hadlayay sida la iskudulsaaro musiga iyo codka oo ahaa mid si gaar ah u quseeyay fannaaniinta iyo suxufiyiinta balse dadkale oo aad u badan ay ka faa’iideysteen  waxaa booqday 10 kun oo ruux waxaama  i soo gaaray emailo aad u badan oo bogaadin iyo mahadcelin ah HALKAAN DHAG SII SI AAD MUUQAALKAASI U DAAWATO.

Emialadaasi iyo tirada dadka booqday oo anan filaneynin baa niyadeydii kor u qaaday iguna dhiiri galiyay inaan intaas ka siibadiyo waxaay iga soo codsadeen mid intaas ka faahfaahsan oo isla noocaan ah ,inkastoon aad ula soo dibdhacay haddana waxaan sameeyay midkale si isna aad u daawato HALKAAN DHAGSII .

Intaa oo kali ah maahan ee waxaan si isdaba joog ah u sameeyay muuqaalo badan oo kusaabsan waxyaabao badan. haddaad rabto inaad dib u wada eegto BOOQO CHANELKEYGA OO AH MAXAMED SIIDII ama dhagsii Sawirka hoose

yoyube1

Wixii intaa kadanbeeyay waxaan yeeshay Saaxiibo aad u farabadan oo jooga meelo badan oo caalamka ah kuwaasoo aanan si caadi ah isku aqoon balse aan aqoonta wadaagno.

Haddaba  Maxaan Ka Faa’idayaa inaan Sameeyo Cashiradaasi?

  1. In aan aniguba waxbadan kubbaranayo runtiina aan kubbartay taasoo haddaanan sameeyeen aanan barteen
  2. In aan kadhabeynayo mihnadeeyda ah SUXUFI oo ah qof howshiisuba tahay in dadka uu waxbaro waxna u sheego
  3. in aan horseedo in sidaan oo kale la iskudhaafsado aqoonta ee aanan la la dhiman iyadoon la qeeybin.

Hadda Xagee marayaan Cashiradaasi?

Waxay hadda marayaan in dadku i soowaydiiyaan wixii ay rabaan in ay wax ka ogaadaan sidaa daraadeed waxaan iskudayaa inaan muuqaalo ama xitaa qoraalo kasameeyo hadba mowduuca ay daneynayaan oo kusaabsan inta aan waxyar ka fahansanahay kolkaasoo haddaan aqoonteeda leeyahayna aan gudbiyo haddaanan aqoona aan iskudayo inaan raadiyo dadka iiga aqoonta roon si ay dhamaanteen noo caawiyaan.

War-galin

DHAWAAN WAXAAN WEBSITE-KAAN KU SOO KORDHINDOONAA QEEYB U GAAR AH ARIMAHAAN OO AY SIDOO KALE NAGU CAAWINDOONAAN DADKA AQOONTA U LEH ARIMAHA AAN DOONEYNO INAAN WAX KA OGAANO……

Maxamed Cabdullahi Adan Siidii
Suxufi Hore Haddana Ah Arday Dhigta College.

Email: msiidii@hotmail.com

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

One Response to Aniga iyo Youtube-ka .Maxamed Siidii

  1. wll waan idin salaamay dhamaantiin waxaan rabaa inaad iga caawisaan
    qaabka loo isticmaalo youtube channelka walibana waxan ogaaday in ay
    jiraan qaab fudud oo aad lacag uga samayn kartid youtube channelkaaga
    adigoo kusoo uploadgaraynaya video copyrightkooda aad adigu leedahay
    sidaa aawadeed waxan rabaa in la iga caawiyo qaabka arintaasi loo
    samaynkaro loona xaqiijin karo arintaas.fadlan iga caawiya intaad
    igu dhaantaan

    mahadsanidiin wll

    abdiwahab
    August 25, 2015 at 2:45 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>