اسمع مني ولا تسمع عني Iga maqal ani oo ha iga Maqal qof kale.

Filed under: AQOONTA,BULSHADA,TUSMO |
Number of View: 5317

Gogol Dhig

Waa Jumlad kooban oo carabi ah xanbaarsan Micno weyn oo balaaran taas oo aan Kasoo jalaabtay Afka Mid ka mid ah Culimada Mufakiriinta ah ee ku xeel dheer la hadalka iyo wax u sheegida dhalinyarada kaas oo waqti aan sidaa u fogeen aan kula kulmay magaalada Khartoum ee dalka sudan.

Sheikh Salmaan AL-Cowdah oo Ah sheikh mufakir u dhashay dalka sacudiga ayaa marka lagasoo tago Muxaadaraadka uu qabto waxa uu qoray kutubo aad u fara badan oo quseeya arimaha bulshada iyo horumarinta dhalinyarada oo ah mustaqbalkii umada waxaana uu maqaalaad joogto ah ku leeyahay qaar kamid ah Wabseedyada Afka carabiga lagu qoro.

qormadaan kooban ee aan cinwaanka uga dhigay اسمع مني ولا تسمع عني oo  mecnaheedu yahay “Aniga iga dhageyso ee dadka kale hakasoo dhageysanin waxa aan ahay” ayaa waxaan ka damacsanahay in aan ku yara iftiimiyo Arin dhibaato ba’an ku heysa Guud ahaan bulshada somaliyed gaar ahaana dhalin yarada taas oo aan u arkay in kalimaadkaan ay daawo u noqon karaan waasa ninkii aqriya asiga oo ku dul fakeraya.

Sida saxda ah baaritaano badanna lagu ogaaday hadalkasta ee ka gudba qofkii ku tiraabay macnahiisu waa uu is bad badalaa marar badan ayadoo laga yaabo in ugu danbeyn uu noqdo mid kii dhahay xataa uu garan waayo isbadalka lagu sameeyay hadalkaa baaxadiisa awgeed.

maah maah somaliyed ayaa oraneysa “Hadal waa margoo kale Hadba meel u jiitama” kii wanaagsanaa ayaa qaloocanaya markuu afaf badan ka gudbo ileen dadku waxa ay isugu jiraane mid hadalka qaloociya ee nusqaamiya iyo mid tabinta sheekada qurxi asigoo is leh badala oo wanaag ku biiriye.

mar hadii Hadalkii caadiga ahaa ee qof kaa fog yiraahday uu kugu soo gaaray si ka duwan weedhahiisii saxda ahaa maxaad u maleyn kartaa hadii uu qof kaaga waramo qof uu si u dhaliilsan yahay.? ma inkirayo in ay jiraan dad run badane yaal ah oo xaqiiqda uun ka waram cidii ay neceb yihiinba ha ahaatee, markise loo eego tiro badnida jawaabtu waa in qofkastaahi uu ka waramayo xumaanta qofka uu neceb yahay haahaato mid sax ah ama mid uu ku been abuuranayo e. ka hadalka nafafka kale waa dabeecad xun oo caado joogto ah inoo noqotay waana dhaqan xumo aan banaaneen diiniyan iyo maadiyan oo waxaaba qofka arinkaa sameeya inta badan uu noqdaa qof liite ah oo ka daba war wareega had iyo jeeraale wax ka sheega qofafka kale ee liibaanay.

Dulucda Qormada

Dhamaan waxii aan soo sheegay waxa ay ahaayeen hordhac iyo tusaaleyn biya dhaca warkusa waxa uu noqonyaa Aqriste hadii aad doonto in aad ogaato arinka qof kale adigoon duur xulin ku dadaal in aad ka maqasho asiga oo go’aan ka qaadashadaada ku dhis Macluumaadka aad ka heshay hana qaadan waligaa macluumo aad ka heshay qof ka baxsan cida iska leh macluumada.

hubi oo weydii qofka Shaqsiyadiisa ka hor inta aadan ku xukumin Hadal uu qof kale kaa yiri Qofkaa, hadii kale waxaa suura gal ah in ay kugu dhacdo waxii ku dhacay ninkii Ooridiisa (xaaskiisa) Dilay ama waxa ka agdhow.

Qiso Kooban

baribaa waxaa la yiri waxaa jiray Nin iyo xaaskiisa aadbeyna isu jeclaayeen oo waxa uu gaaray isfahamkoodu in xataa mararka qaar bilaa Hadal ay wax isu sheegaan ayagoo aad moodo in qalbiyada uun ay iskala socdaan si la mid ah ereyadii Xasan Aadan uu ku heesay xiligii uu lahaa “Anagoon is aragoo Aan bixin Ogeysiis sida Uur ku baalaha Ma isasoo Abaarnaa”.

lkn qof qaribanoo qiimaha qeyrkii neceb lama waayee Islaan baa yara kahsatay isla jaan qaadkooda oo u kuba gishatay in ay kala fogeyso ayadoo durbadiiba u tagtay gabadhii xaaska aheyd, Faq dheer kadibna waxa ay ka dhaadhicisay in ninku Naag kale doonayo dhawaana la guursan doono Arinkaasna ay ka xalin doonto hadii ay inta mindi afbadan qaadato saygeeda asiga oo jiifa hal tin oo garkiisa ah u keento.

Waa dumar maseeray iyo xaalkiiye Gabadhii arinki baa qanciyay oo diyaar garow bey gashay inta aanu habeenku galin, Islaantiina waxa ay abaartay saygii gabadha oo ay ku tiri “war hooge islaantaadu waa ay maseertay in ay ku disho ayeyna dooneysaa caawa ee digtoonow hadaa beentey moodana adigaa arki doonee adigon waxba u sheegin caawa guriga kolkaad tagto wax

jiifa iska dhig hana isku hurdin bal waxey sameyso, afkanaguna waa isku amaano”

Ninkiina Intii buu qaatay oo waxa uu casir liiqii u caraabay gurigii xaaskiisa, gabadha iyo saygu isma oga mid walbaahina waxaa ku fog inta cad ceedu ka dhaceyso habeenkuna madoobaanayo bal si uu qorshaha uu xanbaarsanyahay u dhaqan galiyo.

Intaa ka dib maxaa dhacay Cajiib

Goor saq dhaxe ah oo ay islaantu is tiri Saygaadii Seexday odayguna uu been hurdayo bey Howl gashay oo intey soo booday Qaanad ku dhaweyd

kala soo baxday Toori (Mindi) Afbadan, waxaase saygeedii uu kusoo baraarugay gabadhiisii oo meel ku dhow dhuunta lasii mareysa Mindi waagii

ayaa ku baryay warkii cajuusada ayuuna Yaqiinsaday inta naxdin lasoo booday asigoo Buu durbadiiba Daf ka Yiri Tooridii mana Kalaba Labeynine

Sidii Nin Naflacaari ah oo isdifaacaya la dhacay xaaskiisii uu jeclaa oo halkaas ku nafweyday.

Cajiib Cajiib waa qiso xanuun badan murug iyo uurkutaalona ku reebeysay cid kasta waxaana sabab u ahaa ayadoo warka lagasoo xigtay meel aan

aheyn halkii uu kasoo baxay, hadii gabadhu ay weydin laheyd ninkeeda arinka ama ninku weydin lahaa gabadhiisa ma dhacdeen musiibadaa

dhacday, walow Qadartu ay wax walba ka weyn tahay qoraal Eebena uu Meesha yaalay

Dhamaad

Fadlan walaal hadii aad qoraalkan wax ka Faa’iday ama uu jiro dhaliilo aad is leedahay ka sax walaalka qoray Ku qor commentigaaga qeybta hoose ee wabsedka Ama iigu soo dir Qaab fariin ah Facebook-ga User ka aan ku leyahay waxa uu u qoran yahay qaabka uu magaceyga halkan Ugu qoranyahay thanks.

Qore:- Abdikamil Yusuf Mohamud

Khartoum sudan.

DHAG SII SI AAD WAXBADAN U BARATO

yoyube1
codee20

Magaca Wariyaha aad taqaano Halkaan Ka baaro

Leave a Reply

Your email address will not be published.